C/kaafi Maxamed Max’uud oo ka soo horjeestay xilka qaadis lagu sameeyey

Wasiirka Qorsheynta Galmudug Cabdikaafi Maxamed Max’uud ayaa ka soo horjeestay Wareegto xilka looga qaaday oo ka soo baxday madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Cabdikaafi ayaa sheegay in Xaaf xilligan kaliya uu  yahay ku-sime ilaa iyo inta laga dooranayo Madaxweyne, isla markaana uusan xilka ka qaadi karin.

”Su’aasha isweydiinta leh waxey tahay Nin aan xil heyn xil maqaadaa marka hore, madaxweynihii hore ee Galmudug, Aniga iyo isagaba hadda ku-simayaal baanu nahay waxaa sugeynaa Maamulka danbe ee dhismaya oo aanu xilalka ku wareejinaynaa” ayuu yiri Wasiirka.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu xilka kaga qaaday Wasiirka qorsheynta oo eedeyn culus u jeediyay guddiga shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug ee lagu wado inuu ka furmo magaalada Dhuusamareeb.

Jawaabta ka soo yeertay Wasiirka ayaa sii xoojinaya khilaafka ka dhaxeeya xubnihii markii horeba isku biiray ee ka kala tiranaa Galmudug iyo maamulkii Ahlu Sunna Waljameeca.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan sidii deegaanada Galmudug looga dhisi lahaa maamul loo dhan yahay waxaana soconaya diyaar-garow loogu jiro qabsoomida shir ay isugu imanayaan waxgaradka beelaha dega Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -