Ciidamada dowlada oo Al-Shabaab kala wareegay degaan Istaraatiiji ah

Ciidamada dowlada Somalia ayaa si buuxda ula wareegay degaanka Buur-weyn oo dhaca xadka kala qeybiya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo muddo dheer ay ka talinayeen Al-shabaab.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM kala wareegeen degaankaas oo al-shabaab u ahaa mid muhiim u ah oo ay gaadiidka uga qaadi jireen canshuurta.

Ma jirin wax iska horimaad ah oo halkaas ka dhacay, iyadoo Al-shabaab ay isaga baxeen markii ay ka war heleen duulaanka kaga soo wajahnaa ciidamada dowladda oo halkaas markii tageen ka sameystay fariisimo cusub.

Lama oga halka ay tageen xoogagga Al-shabaab ee laga qabsaday degaanka Buur-weyn oo ah marin istaraatiiji ah u ah isku socodka gaadiidka isaga kala goosha gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -