Qoyska Eng Yariisow oo booqday xarunta gobolka Banaadir (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta xarunta maamulka gobolka Banaadir booqasho ku tagay Qoyskii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Gudoomiyihii gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cusmaan Yariisow.

Qoyska uu ka baxay Eng Yariisow waxaa xarunta maamulka gobolka Banaadir kusoo dhaweeyay kusimaha Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Gudomiye kuxigeenka maamulka iyo Maaliyadda Ibrahim Cumar Mahad Alle.

Qeybaha kala duwan ee xarunta gobolka Banaadir ayaa lagu soo wareejiyay xaaska iyo caruurtii uu ka tagay Gudoomiyihii gobolka Banaadir, waxa ayna xubnaha qoyskan soo arkeen xafiiskii uu ku shaqeyn jiray Eng Yariisow intii uu noolaa.

”Waxaan maanta xarunta Dowladda Hoose kusoo dhaweeyey qoyska Allaha u naxariistee (Eng. Yariisow, waxaan soo kala tusay qaybaha kala duwan ee xafiisyada Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar iyo howlaha socda oo maamulku dar-dar ku wado, waxaan u ballan qaadnay in aan sii wadi doono dedaalkii, dhabar adaygii, shaqadii geesinimada lahayd iyo wadaninimadii uu ku sifoobey ayana noqon doonto mid mar waliba xusuus ku sii ahaan doonta qalbiyadeena” ayuu yiri Ibrahim Dheere.

Allaha u naxariistee Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqa magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Yariisow ayaa lagu dilay qarax ka dhacay gudaha xarunta gobolka Banaadir gaar ahaan hoolka shirarka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -