Dhismaha Xarunta cusub ee Jaamacadda Jobkey oo la dhagax dhigay (Sawirro)

Jaamacadaha Jobkey oo ka mid ah Jaamacadaha ka hana qaaday dalka ayaa xarun weyn ka dhisaneysa Magaalada Muqdisho, iyadoo xaruntan ay tahay mid casri ah oo ku fadhida dhul baaxad leh.

Xaruntan weyn oo laga dhisayo degaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhagax dhigay Guddoomiyaha Jaamacadda Jobkey C/casiis Caagane C/samad.

Dhismaha xaruntan Jaamacadda Jobkey ayaa waxaa fulineysa Shirkadda dhismaha ee Hornstar Construction & Contracting Company oo ay ka howlgalaan Ingineero iskugu jira Soomaali iyo Shiines.

Guddoomiyaha Jaamacadda Jobkey C/casiis Caagane C/samad ayaa sheegay in fulinta mashruucan muddo dheer laga soo shaqeynayey, ayna ku baxeyso lacag aad u fara badan.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay maanta inaan dhagax dhigo dhismaha xarunta dhexe ee Jaamacadda Jobkey, runtiina mashruucan waa mid aad u weyn oo muddo fog laga soo shaqeynayey, dedaal iyo juhdi baddana la geliyey, waxaana ILAAHAY mahadiis ah inaan bilownay fulintiisa” ayuu yiri Gudoomiyaha oo intaas ku daray in dhismaha wejiga hore ee mashruucan lagu soo gebagebeyn doono muddo saddex sanadood ah.

Waxaa uu sheegay in la sameeyey naqshada cusub ee loo dhisi doono xarunta cusub Jaamacada oo uu sheegay iney tahay mid casri ah, wuxuuna xusay in la dhisayo afar qeybood oo waaweyn oo iskugu jira fasalo iyo xafiisyo loogu talo galay iney degaan Kuliyadaha Jaamacaddu ka kooban tahay, wuxuuna hoosta ka xariiqay ineysan jirin cid ka gacan ka siisay dhaqaalaha faraha badan ee ku baxaya mashruucan, ayna isku tashadeen ka jaamacad ahaan.

“Fasalada mashruucan lagu dhisayo waxay gaarayaan 120 iyadoo midkiiba loogu talo galay iney fariistaan illaa 50 arday, taasoo u dhiganta in halkii gelin ay wax ku baran karaan arday tiradoodu gaareyso 7,400 dhulka aan heysano waxaan %60 u reebnay in mustabalka laga dhiso dhismayaasha ay seexan lahaayeen ardayda ajaaniibta ah iyo Soomaalida kale ee gobolada dalka uga imanaya iney wax ka bartaan Jaamacadda” ayuu yiri Caagane oo xusay in sameynta naqshada cusub ee loo dhisayo xarunta Jaamacada ay dejiyeen khubaro isugu jira Soomaali iyo Shiines.

Guddoomiyaha Jaamacadda Jobkey C/casiis Caagane C/samad ayaa ugu dambeyn u mahad celiyey masuuliyiinta, Macalimiinta iyo ardayda Jaamacadda oo uu sheegay iney qeyb weyn ka qaateen fulinta mashruucan, la’aantoodna ay adkaan laheyd in heerkan la soo gaaro.

Jaamacada Jobkey oo la aasaasay 10 sano ka hor ayaa waxaa ka aflaxay mudadii ay jirtay kumanaan arday oo maanta ka shaqeeyo heyaddo kala duwan, isbitaalo iyo xarumo dowladeed, halka qaar kalena ay dalka dibediisa u aadeen iney soo qaataan waxbarashada heerka labaad, iyadoo jaamacadu dedaal ugu jirta sidii ay u gaari laheyd himilooyinka fog ee ay higsaneyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -