Senate-ka Mareykanka oo daaqada ka tuuray dembiyadii loo heystay Trump

Aqalka Senate-ka Mareykanka ee uu hoggaamiyo xisbiga Jamhuuriga ayaa cod u qaaday kaddibna laalay labadii danbi ee lagu soo eedeeyey madaxwenye Donald Trump.

Xubnaha aqalka wakiillada ee dimoqraadiga hoggamiyo ayaa bishii December Senate-ka u soo gudbiyay laba danbi oo ay ku soo oogeen Trump oo kala ahaa; ku takrifalid awooddeed iyo is-hortaagid baaritaanka congress-ka.

Aqalka Senate-ka ayaa dhageystay qareennada ka socday aqalka wakiiladda iyo waliba qareennada difaacayay madaxweyne Trump, waxaana maanta oo Arbaco ah ay cod u qaadeen labada qodob.

52 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka “MAYA” ugu coddeeyay qodobka koowaad ee Trump lagu eedeeyay, halka 48 mudane ay oggolaadeen.

53 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka “MAYA” ugu coddeeyay qodobka labaad ee Trump lagu soo eedeeyay, halka 47 kalena ay oggolaadeen.

​Mitt Romney ayaa noqday mudanaha kaliya ee Jamhuuriga ka tirsan ee la saftay mudanayaasha dimoqraadiga kaddib markii “HAA” ugu codeeyay qodobka koowaad ee dhigayay in madaxweynuhu uu ku takri falay awooda, iyadoo go’aanka aqalka Senate-ka uu soo afjaray dacwadda ka dhanka ah madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -