Qarax lala beegsaday dhaqaatiir ajnabi ah oo ka dhacay Muqdisho

Qarax lagu soo xiray gaari ambulance ah ayaa goor dhow ka dhacay afaafka hore ee isbitaalka Mogadishu City Hospital ee magaalada Muqdisho.

Gaariga Ambalaasta ah ee lagu soo xiray qaraxa ayaa waxaa lahaa isbitaalka, waxaana la socday dhaqaatiir Soomaali iyo ajnabi isugu jira oo ka howlgala Isbitaalka Mogadishu City.

Warar aanu ka helnay ilo kala duwan ayaa inoo xaqiijiyey in qaraxan ay ku dhaawacmeen dhaqtar u dhashay dalka Siiriya iyo darawalkii waday gaariga ambalaasta ah.

Sidoo kale waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya iney jiraan dhaqaatiir Soomaali ah oo qaraxaas iyana ku dhaawacmay, waxaana gaarigu uu qarxay xili uu galayey albaabka isbitaalka.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa gaaray goobtaas, waxaana socda baaritaano, lamana oga illaa hadda sababta qaraxa loogu xiray gaarigan iyo cida rasmiga ah eel ala beegsanayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -