Xildhibaano Eedeyn u jeediyay Beesha Caalamka iyo Dowlada federaalka (War Saxaafadeed)

Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka federeaalka Soomaaliya si weyna u taageersan Musharax Axmed Madoobe ayaa eedeyn u jeediyay dowlada federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Qoraal ay soo saareen Xildhibaanadan ayey ku eedeeyeen dowlada federaalka iyo Beesha Caalamka ay sheegeen in ay iska indho tirayaan hanaanka doorasho ee Jubbaland ayna dhinac u xaglinayaan.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale dowladaha dariska uga digay faragalinta ay ku hayaan doorashada Jubbaland , waxa ayna ku baaqeen in la xushmeeyo madax banaanida Soomaaliya iyo Dastuurka Jubbaland.

Wxa ay sheegeen Xildhibaanadan in Doorashadii Gudoonka Baarlamaanka maamulka Jubbaland ay ku dhacday si daah furan oo sharci ah, waxa ayna ka digeyn in la carqaladeeyo nidaamka Doorasho ee Jubbaland.

Halkan ka Akhriso Qoraalka Xildhibaanadan soo saareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -