Dowlada Itoobiya oo Heshiis milatari la saxiixatay Ruushka xili xaalad adag wajaheyso

Dowlada Itoobiya ayaa heshiis dhinaca milatariga ah la saxiixatay dowlada Ruushka , xili xukuumada Adis Ababa ay wajaheyso cadaadis xoogan oo kaga yimid dhinaca colaada ka aloosan gobolka Tigrey iyo khilaafka ka dhashay biyo xireenka Wabiga Niil.

Wakaalada wararka u faafisa dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in wadahadal socday sadex maalin kadib dowladaha Ruushka iyo Itoobiya kala saxiixdeen heshiis iskaashi milatari oo lagu xoojinayo heshiisyadii horey u gaareen.

Heshiiskan cusub ee Itoobiya iyo Ruushka gaareen ayaa  sida la sheegay diirada lagu saari doona kor u qaadida aqoonta ciidamada, difaaca, iyo awooda farsamada ee la siinayo ciidamada difaaca dowlada Itoobiya.

Dowlada Itoobiya ayaa dib boorka uga jaftay xiriirkii kala dhaxeeyay dowladaha Ruushka iyo Shiinaha kadib markii uu xumaaday xiriirka ay la lahaayeen dowlada Mareykanka tan iyo waxii ka dambeeyay dagaalka ka qarxay gobolka Tigrey.

Mareykanka ayaa xayiraad kala duwan ay ku jirto mid dhaqaale kusoo rogtay dowlada Itoobiya ay ku eedeesay colaada ka aloosan gobolka Tigrey iyo sidoo kale dib u dhicii ku yimid doorashadii dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -