Madaxweyne Farmaajo oo ka dhoofay Muqdisho iyo Ujeedka Socdaalkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in safarka Madaxweynaha safarkiisa uu ku saleesan yahay martiqaad uu ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil  Cumar Geelle.

Madaxweyne Farmaajo ayaa mudo labo cisho ah joogi doona dalka Jabuuti, waxa uuna halkaasi kulamo kula qaadan doonaa Madaxweynaha dalka Jabuuti iyo masiuuliyiin kale oo dalkaasi u dhashay.

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa xiriir soo jireen ah iyo mid walaaltinimo ka dhaxeeyaa, Madaxweynaha Soomaaliya ayaana marar badan booqasho ku tagay dalka Jabuuti.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -