Ajaaniib lagu weeraray magaalada Berbera iyo Khasaaro ka dhashay (Daawo Sawirada)

Waxaa saakay magaalada Berbera ee maamulka Somaliland lagu weeraray rag ajaaniib ah oo magaaladaasi ka shaqeenayay, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro u badan dhaawacyo.

Inta la xaqiijiyay weerarkan waxa ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen ilaa shan nin oo ajnabi ah kuwaa oo kasoo kala jeeda dalalka Hindiya iyo Bangaladesh, waxaana ajaaniibtan hada lagu daweenayaa isbitaalka Guud ee Berbera.

Weerarka ajaaniibtan lagu dhaawacay ayaa la sheegay in ay geesteen rag muruq maal ah oo Somaliland u dhashay, kuwaa oo dadka ajaaniibta ah ku eedeeyay in ay ka qaateen shaqooyinkii ay iyagu qaban lahaayeen.

Gudoomiyaha gobolka Saaxil Axmed Cismaan Xasan ayaa si kulul u cambaareeyay falkan lagu weeraray dadka ajaaniibta ah, waxa uuna sheegay in falkan oo kale uu wax u dhimayo in dadka ajaaniibta maalgashanaya Somaliland .

Ajaaniinta kunool magaalada Berbera gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Qaarada Aasiya ayaa xiligan waxaa lasoo darsay cabsi xoogan, waxa ayna ka cabsi qabaan in lagu soo qaado mid lamid ah weerarkii maanta lagu dhaawacay qaar kamid ah asxaabtooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -