Khamri badan iyo dadkii ka ganacsanayay oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Ciidamada amaanka maamulka Puntland gaar ahaan kuwa ka howlaga magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay khamri aad u badan iyo dadkii ka ganacsanayay .

Khamrigan oo ku jiray dhalooyin iyo caagag iyo dadkii lagu soo qabtay iyaga oo ka ganacsanayay ayaa maanta lagu soo bandhigay Xarunta Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka Bari.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Xuseen Cali Maxamed ayaa sheegay in Magaalada Boosaaso iyo deegaannada kale ay weli ku harsan yihiin dad ka ganacsanaya,sidoo kalena isticmaalaya,kuwaas oo noocyo kale duwan leh.

Waxa uuna cadeeyay in sida Al Shabaab iyo Daacish ula dagaalami doonaan dadka ka ganacsada khamriga iyo sidoo kale dadka isticmaala, waxa uuna Maxkamada ugu baaqay in dadkaasi xukuno adag ku rido.

Magaalada Boosaaso ay kunool yihiin ajaaniib badan oo Itoobiyaan ah ayaa si weyn looga isticmaalaa khamriga iyo waxyaabaha maanka dooriya, waxa ayna ciidamada Puntland marar badan gacanta ku dhigeen waxyaabaha maanka dooriya iyo dadkii isticmaalayay.

- Advertisement -