Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo War ka soo saaray xiliga ay dhaceyso Doorashada

Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo qoraal jawaab celin ah u diray beesha caalamka ayaa sheegay in doorashada Madaxweynaha Jubbaland la qaban doono waqtigii la qorsheeyay oo aan mar kale dib loo dhigi doonin.

Guddiga ayaa qoraalka ku sheegay in howsha hannaanka doorashada ay mareyso marxaladii ugu dambeysay, lana qaaday illaa 7 tallaabo oo lagama maarmaan u ah dib u habeynta hannaanka doorashada, si ay u noqoto mid loo dhan yahay.

Waxaa guddigu sheegay in dib loo furay isdiiwaan gelinta Musharaxiinta oo saddex maalmood lagu daray, taasoo ka bilaabanaysa 17 illaa 19 bishan Agosto, isla markaana la hubiyey in doorashadu ay ku dhacdo nidaam hufan oo loo siman yahay.

Hoos ka akhriso qoraalka guddiga oo ku qoran English

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Madaale oo shaaciyey hal arrin oo uu ku bixiyay waqtigiisa ugu badan

Caydiid Ali

Ciidamada Dowlada oo gacanta kusoo dhigay nin Qaraxyo miino aasayay

admin

Militariga Soomaaliya oo lagu eedeeyey inay duqeymo ku dileen dad badan oo shacab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---