Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahino ka soo baxaya Qaraxii ka dhacay degmada Xamar-weyne (Sawirro)

Qarax xoogan ayaa goor dhoweyd oo barqadii ah ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa si xoogan looga maqlay inta badan magaalada.

Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay inta u dhexeysa saldhiga Booliska Afar-irdood iyo Dhismaha Suuqa Muqdisho Mall ee degmada Xamar-weyne.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in qof xirnaa waxyaabaha qarxa uu halkaas isku qarxiyey xili ay ceyrsanayeen ciidamada amaanka oo soo daba galay markii ay ka shakiyeen.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in ninkaas uu iska furay ka dibna tuuray jaakadii qaraxday intii ay ceyrsanayeen ciidamada Booliska.

“Wax yar ka hor abaare 11:25 AM, ayey Ciidanka Booliisku ka war heleen, qof isku soo xiray walxaha Qarxa, si isugu miidaamiyo Ummadda, Ciidanka ayaa ka hor tagay oo fashiliyay” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay taliska Booliska Soomaaliyeed.

Lama oga illaa hadda halka uu ahaa bartilmaameedka rasmiga ah ee qaraxaas iyo khasaaraha ka dhashay, waxaana xusid mudan in goobta uu ninkan isqarxinayey ay aheyd meel suuq ah oo aad saxmad badan xiliga maalintii, gaadiidka ambalaaska ayaana halkaas gaaray si ay u caawiyaan dadka dhaawaca ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/A9QUI6pzZHE

Related posts

Heshiiskii xabad joojinta ee Israel & Xisbullah oo dhaqan galay

Caydiid Ali

Duqa Magaalada Garowe oo ka hor yimid Mashruuca Madaxweyne Deni ee Yogo day

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo xireysa qaar kamid ah Jaamacadaha Muqdisho iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---