Ciidamo Milatari ah oo ka qeyb qaatay Dilalkii ka dhacay Baydhabo iyo amar la siiyay …

Waxaa shalay duleedka magaalada Baydhabo ka dhacay dilal argagax leh oo ku saleesnaa muran dhul beereed oo loo geestay dad shacab ah uu ku jiray ganacsade weyn oo caan ka ahaa deegaanada Koonfur Galbeed.

Dilalka ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa la sheegay in ay ka qeyb qaateen ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya , ciidamadan ayaana duleedka Baydhabo beer kutaala ku dhax dilay dad shacab ah.

Madaxweynaha Maamul goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa sheegay in dilalkii shalay ka dhacay duleedka Baydhabo ay ka qeyb qaateen ciidamo milatari ah.

Lafta Gareen ayaa amray saraakiisha ciidanka in ay gacanta kusoo dhigaan ciidankii ku lugta lahaa dilalka ka dhacay duleedka Baydhabo si cadaalada loo horgeeyo looguna qaado dambiga ay galeen.

Madaxweynaha maamulka Koomfur Galbeed ayaa amar ku bixiyay in ciidamada milatariga ay ka baxaan magaalada , waxa uuna sheegay in ciidamo milatari ah aan lagu dhax arki karin magaalada loogana baahan yahay ciidanka in xeryahooda tagaan.

Magaalada Baydhabo ayaa laga dareemayaa xiisad ka dhalatay dilal shalay beer kutaala duleedka magaaladaasi loogu geestay ganacsade Cali Marguusi iyo dad kale oo shacab ahaa.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -