Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Itoobiya & Al-Shabaab oo Madaafiic isku isweydarsaday degmada..

Al-Shabaab ayaa madaafiic ku weerartay Saldhig Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM ku leeyihiin degmada Buur hakaba ee Gobolka Bay.

Dadka degaanka ayaa sheegay inay maqlayeen daryanka  madaafiic hoobiyeyaal ah oo ku dhacaysay nawaaxiga Xerada Ciidamada Itoobiya

War ay soo saartay Al-Shabaab lagu sheegay inay madaafiic la heleen Xerada Ciidamada Itoobiya, isla markaana ay ku dhinteen laba ka mid ah Askarta Itoobiya Saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Marka laga soo tago sheegashadan Ma jiraan warar madax banaan oo ka hadlaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay madaafiicda la isweydaarsaday.

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay iney dhankooda ka jawaabeen weerarka madaafiicda ah, iyagoo la beegsaday goobo ku yaalla duleedka degmada Buur hakaba oo ay tuhunsanaayeen in laga soo duqeeyey.

Xaalada degmada Buur hakaba ayaa haatan xasiloon ka dib duqeymahaas, inkastoo ciidamada Itoobiya ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan duleedka degmadaas, iyagoo baadi goobaya kooxihii soo weeraray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Isbitaalka taqasusiga ah ee Guled oo lagu kordhiyey qeybo cusub & qalab casri ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in cudurka Coronaviris uusan ku soo laaban qof uu mar ku dhacay?

Caydiid Ali

Xisbi ka dhisan Sweden oo wada olole lagu mamnuucayo Aadanka Salaada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---