Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Dagaalyahano kasoo goostay Al Shabaab oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirro)

Ciidamada Nabad sugida maamulka Jubbaland ayaa soo bandhigay labo nin oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen dagaalyahanada Al Shabaab, kuwaa oo isku soo dhiibay ciidamada maamulka Jubbaland.

Labadan nin ay soo bandhigeen ciidamada maamulka Jubbaland ayaa magacyadooda lagu sheegay Cabdi Casiis Maxamed Nuur oo Al-shabaab looga dhex garanayay Iidle iyo Geeddi Maxamed Cali .

Saraakiisha Nabad sugida Jubbaland ayaa sheegay in labadan nin lagu sameenayo baaritaano dheeraad ah, waxa ayna xuseen in si iskood ah uga soo baxeen Al Shabaab lana soo xarireen saraakiisha ciidanka.

Maamulka Jubbaland ayaa marar badan soo bandhigay saraakiil iyo dagaalyahano ay sheegeen in ay kasoo goosteen Al Shabaab, waxaana dagaalyahanada soo goosta Jubbaland ay geesaa xarun ay sheegtay in lagu dhaqan celiyo xubnaha Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha ciidamada ilaalada Madaxtooyada Puntland iyo kuxigeenkiisa oo la magacaabay

Cabdi Cade

In ka badan 180-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab oo la sheegay in saakay lagu dilay weerar…

Cabdi Cade

Diyaarad Baladweyne ka dejisay Gaadiid Ciidan iyo Mootooyin (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---