Dowlada Soomaaliya oo talaabo ka qaadeysa 4- Shirkadood oo dayacay Xujeyda

Dowlada Soomaaliya ayaa sanadkan dhowr shirkadood oo si gaar ah loo soo xulay u siisay in Xujeyda Soomaaliyeed ay geeyaan Xajka, waxa ayna shirkadahan lacago badan ka qaateen dadka xujeyda ah.

Qaar kamid ah shirkadahan ayaa la sheegay in ay dayaceen xujeyda ay qaadeen, waxaana la sheegay in ay dajiyeen goobo aan munaasib aheyn sidoo kale aysan helin adeegyadii ay xaqa u lahaayeen.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Cismaan Aadan Dhuuboow, ayaa ku eedeeyay afar shirkadood oo kamid ahaa kuwii xujeyda qaaday in ay dayaceen ayna uga tageen goobo aan ku habooneyn.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in dowladda ay tilaabo ka qaadi doonto, islamarkaana si adag loo la xisaabtami doono 4 Shirkadooda oo uu sheegay in ay marsiiyeen hanaan qaldan Xujeyda Soomaaliyeed Qaarkood.

Qaar kamid ah shirkadaha diyaaradaha ee dadka Soomaaliyeed u qaaday xajka ayaa la sheegay in si weyn u dayaceen xujeyda ay markii hore ka qaadeen lacago badan una sheegeen in Hoteelo wanaagsan la dejinayo sidoo kale helayaan adeegyo badan balse taasi aysan dhicin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -