(Akhriso) Mid ka mid ah beelaha Somaliland oo Muuse Biixi ku eedeysay dagaalka Laascaanood

Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka  beelaha Garxajis ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay war ku saabsan dagaalka magaalada Laas-Caanood ee Xarunta gobolka Sool, iyaga ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay Xukuumadda Somaliland ee uu Madaxweynaha ka yahay Muuse Biixi Cabdi.

Kulan ay Magaalada Hargeysa ku yeesheen Waxgaradka, Isimadda dhaqanka beelaha Garxajis ee Somaliland ayay ka soo saareen Warmurtiyeed ka kooban lab Bog oo looga hadlay xaaladda Laas-Caanood iyo qaban qaabada wada-hadallada ay wado Xukuumadda Somaliland.

Waxay sheegeen in uu horey u fulin waayay go’aamo iyo heshiisyo ay wada galeen Bulshadu, iyaga oo cadeeyay in aysan qeyb ka aheyn xubno (Ergo) u shaqeynaysa Madaxweyne Biixi oo ay sheegeen in loo diray gobolka Sool.

Sidoo kale waxaa ay cambaareeyeen dagaalka ka socda Magaalada Laas-Caanod iyo dilalka loo geysanayo dadka Shacabka ah, iyaga oo sidoo kale ku baaqay in ciidamada Somaliland laga dulqaado magaalada, lana geeyo meel aan xabaduhu iska gaareyn, taas oo ay diiday Xukuumadda Somaliland.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA OO DHAMEYSTIRAN

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -