(Akhriso) Guddigii xaqiiqo raadinta IGAD oo War ka soo saaray doorashada Jubbaland

Urur Goboleedka IGAD ayaa War ka soo saaray doorashada Jubbaland ka dib booqasho ay magaalada kismaayo ku tageen wafdi ka socda ururka kuwaasoo u kuur galayay Xaalada doorashooyinka Jubbaland.

Wakiilka gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Dr. Maxamed Guyow ayaa sheegay in maalmahan ay Kismaayo u joogeen howlo la xiriira doorashooyinka Jubbaland iyagoo la shaqaynaya howlwadeenada caalamiga ah ee doonaya in howlaha doorashooyinka Jubbaland ku dhacaan qaab hufan.

Wafdigu wuxuu inta uu joogay kismaayo uu kulamo la qaatay masuuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin, Gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka, Musharaxiinta Madaxweynaha ee is diiwaan galiyay, iyo kuwa aan diiwaan gashanayn, Odayaasha dhaqanka, Ururada Bulshada, Xildhibaanada Federaalka ah ee laga soo doortay Jubbaland iyo guddoonka Baarlamanka Jubbaland.

“IGAD ay cadaynayso in ahmiyad gaar ah ay leedahay doorashooyinka Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha Jubbaland ka dhacaya taasoo horay usii wadaysa geeddi socodka yagleelida Dowladnimada iyo Maamul wanaaga” ayuu yiri wakiilka IGAD.

Dr. Maxamed Guyow ayaa intaas ku daray inuu adkaynayo baahida loo qabo qabsoomida doorashooyin madax banaan oo loo siman yahay taasoo waafaqsan Dastuurka KMG ah ee JFS iyo Dastuurka Dowlad Goboleedka Jubbaland si arintan loo xaqiijiyo waxaa uu sheegay in shacabka iyo hogaanka Jubbaland ay ugu baaqayaan in nabada iyo xasiloonida laga wada shaqeeyo.

Wafdiga IGAD oo maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa beesha caalamka la wadaagi doona warbixin habka ay u socoto qaban-qaabada doorashooyinka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -