Saddex Xildhibaan oo maanta lagu doortay magaalada Baraawe (Sawirro+ Magacyada)

Magaalada Baraawe ee caasimadda dowlad goboleedka rasmiga ah ee Koonfur Galbeed waxaa saakay ka bilowday doorashada 13-kursi oo kamid ah kuraasta gollaha shacabka ee lagu wado in magaaladaasi lagu doorto.

Doorashada ka socota magaalada Baraawe ayaa ah mid natiijadeeda lasii ogyahay ayna kusoo baxayaan 13-Xildhibaan oo si gaar ah loo wato kuwaas oo loo sameeyay musharaxiin malxiis ahaan ula tartama.

Kursiga tirsigiisu yahay Hop165 oo horey ugu fadhiyay xildhibaan Saalim Aliyow Ibrow ayaa saakay mar kale loo doortay xildhibaan Saalim Aliyow Ibrow oo helay 70-cod halka musharaxii la tartamayay Aadan Cusmaan Xasan isna uu heley 15-cod.

 

Waxaa sidoo kale kursiga labaad ee tirsigiisu yahay Hop161 isna ku guuleestay Yuusuf Maxamed Aadan oo helay 80-cod halka musharaxii la tartamayay Cabdulaahi Xuseen Faarax isna heley 7-cod.

Kursiga saddexaad ee tirsigiisu yahay HOP044 waxaa kusoo baxday kuna guuleesatay Maryan Maxamed Cali oo heshay 73-cod halka musharaxii la tartamaysay Faadumo Xasan Cumar iyana heshay 10-cod.

Doorashada kuraasta kale ee harsan ayaa iyana la filayaa in ay ka dhacdo magaalada Baraawe, waxaana 13-ka kursi ee taalla Baraawe la filayaa in isbuucan lagu soo gabagabeeyo doorashadooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -