Saraakiil kormeeray goobta ay dhaceyso doorashada hogaanka Jubbaland (Sawirro)

Taliyaha Booliiska Jubbaland Col.Maxamed Naasir iyo taliyaha Booliiska Amisom qeybta Jubbaland ayaa kormeer ku tagey xarunta ay ka dhaceyso doorashada gudoonka Baarlamaaka iyo tan madaxweynaha Jubbaland .

Xaruntan oo ku taala kasoo horjeedka xarunta Baarlamaanka Dowlad goboleedka Jubbaland Ex-Caymiska ayaa amaankeeda waxaa sugaya Booliiska Jubbaland halka ay ciidamada Booliiska Amisom ku soo biiri doonaan maalinta ay dhaceyso doorashada.

Dabayaaqada bishan ayaa lagu wadaa iney ka dhacdo magaalada doorashada Madaxweynaha Jubbaland inkastoo musharaxiin badan ay qaadaceen iyagoo ka cabanaya cadaalad daro iyo guddiga doorashada oo ay sheegeen inuu yahay guddi u afduuban Madaxweyne Axmed Madoobe oo doonaya inuu mar kale ku soo baxo xilkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -