Muran ka taagan Markab Dhuxul lagu daabulayo oo ku xiran dekeda Magaalada Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu ka taagan yahay is qabqabsi ku aadan Markab maalmo taagan Dekadda Kismaayo, kaasoo la sheegay in la doonayo dhuxul fara badan in lagu qaado.

Sababta uu Markabka uu ugu xayiran yahay Dekadda ayaa dad xog ogaal ah waxay sheegeen iney tahay isqabqabsi lacageed, iyadoo markabkan uu yahay mid aad u weyn oo qaadi kara 55-kun kiish oo dhuxul ah.

Murankan ayaa u dhaxeeyaa maamulka dekadda, madaxda Jubbaland iyo ganacsatada leh dhuxusha la dhoofinayo.

Golaha amaanka ee QM ayaa horey u mamnuucay in dhuxul laga dhoofiyo dekedaha Somalia, iyadoo Maamulka Kismaayo marar badan lagu eedeeyey Dhoofinta dhuxusha inkastoo ay beeniyeen.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu isugu yeeray kulan deg deg ah Saraakiisha ammaanka iyo wasiiro ka tirsan Maamulkiisa si looga hadlo xaaladdaha ka jira Kismaayo iyo magaalada Garbahaarey oo xiisad kale ay kaga furan tahay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -