Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Trump oo digniin culus u diray Soomaalida ku dhaqan dalka Maraykanka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Soomaalida ku nool Maraykanka uga digay iney weeraro argagaxiso ka geystaan dalkaas xili uu bartiisa Twitterka kaga hadlayey wiilal Soomaali ah oo lagu qabtay gobolka Arizona kuwaasoo lagu eedeeyey inay ku biiri rabeen Daacish.

“Waxaa la xiray Soomaali Qaxooti ah oo doonayay inay ku biiraan Daacish, baaqeenna ugu weyn waa in aan hurdada ka kacnaa oo aan jebinaa ISIS ama waxaa dhacaya weerarkii 9/11 ee sanadkii 2001-kii ka dhacay Dalka Mareykana” ayuu yiri Madaxweynaha.

Trump ayaa sheegay in labada wiil ee la xiray ay ku sii jeedeen Masar, hay’adaha Mareykanka ee dhinaca sirdoonkana ay ka hortageen.

Waxaa uu xusay in aan loo dulqaadan karin Qaxooti argagixisanimo ku lug leh, waxaana uu ku baaqay in dadka Mareykanka ay feejignaan sare muujiyaan.

Hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa Isniintii sheegay in Ahmed Mahad Mohamed, iyo Abdi Yemani Hussein, la xiray markii xogtooda uu dusiyay wiil ay saaxibo yihiin oo la shaqeynayay Hay’adda FBI-da Mareykanka isla markaana muddo dheer la daba socday.

Sida lagu sheegay dokumentiga la siiyey Maxkamadii loo gudbiyay kiiskooda wiilasha midkood ayaa sheegay inuu doonayo inuu isku qarxiyo aqalka cad ee Mareykanka halka midka kale uu sheegay in labadooda ay doonayeen inay noqdaan labada qof ee loogu doon doonista badanyahay Adduunka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kenya oo shaacisay Sawirada iyo Magacyada Xubno katirtsan Al Shabaab oo ay baadi goobeyso

Cabdi Cade

Mareykanka oo meel mariyay sharci sababi kara in dalkaasi laga mamnuuco Tiktok

Cabdi Cade

(Sawirro) Dowlada Somalia oo dalka ku soo celisay dad labo bilood ku xanibnaa..

Caydiid Ali