Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Trump oo banaanka soo dhigay shaki weyn uu ka qabo Dowlada Shiinaha

Madaxweynaha dalka Mareykanka oo wareysi gaar ah siiyay Wakaalada wararka ee Reuters ayaa si kulul u dhaleeceeyay Xukuumada Shiinaha uu tilmaamay in ay kasoo horjeedo in mar kale dib loo soo doorto.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Donlad Trump in dowlada Shiinaha sameeneyso wax walbo oo karaankeeda ah si aan mar kale loogu soo dooran in uu Hogaamiyo dowlada Mareykanka .

Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu rumaysan yahay in Beijing ay doonayso in ninka ay u badan tahay inay tarmaan ee Xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden inuu ku guulaysto doorashada bisha Nofeembar dhaceysa.

Waxa uu sidoo kale Trump ku dhaleeceeyay xukuumada Beijing faafitaanka cudurka caronavirus oo dad badan ku laayay gudaha dalka Mareykanka iyo sidoo kale dagaal dhinaca dhaqaalaha.

Dowlada Shiinaha ayaa marar badan beenisay eedaha uga imaanayay Madaxaweyne Donald Trump, waxa ayna Shiinaha ku tilmaantay eedeaha Mareykanka kuwa been abuur ah oo siyaasad ka dambeyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo ka digay fulinta qorshe uu wato Madaxweyne Xassan Shiikh

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Cali Guudlaawe iyo Saraakiisha ciidamada AMISOM? (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxkamad kutaala Somaliland oo maanta xukun adag ku riday Boqor Buur Madoow

Cabdi Cade
Taboola Ads ---