Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaaraha Somalia oo la kulmay danjire Maxamed Albaaz (Daawo Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Albaaz.

Waxay ka wada hadleen iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Danjire, Max’ed Albaaz ayaa RW Rooble ku amaanay dedaalkii uu u galay dhameystirka doorashooyinkii dalka ka dhacay oo ay u dambeysay tii Madaxweynaha.

Ra’isul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in dowladaha Somalia iyo Masar uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer oo walaalnimo kaasoo salka ku haya, iskaashi iyo wax wada qabsi.

Related posts

DF oo Turkiga ka dalbatay in la baaro Soomaali ku geeriyootay Xadka Turkiga iyo Gariiga

Cabdi Cade

Xildhibaanada dalka ka maqan oo loogu baaqay in si deg deg Muqdisho ku yimaadaan

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo Caddeeyay in teendho dambe aysan ka dhici doonin Doorasho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---