Madaxtooyada Somalia oo War ka soo saartay baaqashada Shirkii uu iclaamiyey Farmaajo

Madaxtooyada Somalia ayaa war ka soo saartay shirkii baaqday ee lagu waday inuu maanta uga furmo magaalada Muqdisho madaxda DF iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Shirkan ayaa dhowaan iclaamiyey Madaxweynaha Somalia oo casuumad u diray madaxda dowlad goboleedyada, si looga arrinsado xaaladaha ka jira dalka iyo sida loo wajahayo doorashooyinka iyo xiliga kala guurka ee dalku galayo.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in kulankaas baaqday uu dhici doono xili kale oo ku haboon, isagoo aan faahfaahin ka bixinin sababta baaqashada shirkaas.

“Waqtiga cusub ee uu qabsoomayo kulanka la wada sugayo ee Golaha Amniga Qaranka waxa la iclaamin doonaa xilliga ku habboon, Ujeeddada shirka loo madlan yahay waa in laga dhabeeyo rabitaanka xooggan ee ay shacabku ku doonayaan inuu kulanku dhaco, ayna ka soo baxaan qodobo dan u ah ajendeyaasha qaran ee hortabinta uleh dowlad dhisidda Soomaaliya” ayuu yiri agaasimaha.

Baaqashada shirkan ayaa la aaminsan yahay iney ka dambeysay markii ay qaadaceen madaxda dowlad goboleedyada Puntand iyo Jubbaland oo ismaan dhaaf xoogan uu kala dhexeeyo Villa Somalia, iyagoo diidan talaabooyin ay dhowaan DF qaaday oo lagu ansixiyey xeerar cusub oo lagu kordhiyey sharciga doorashooyinka kaasoo uu ka mid yahay xeerka metelaada gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -