Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiye Mursal oo khudbad ka jeediyey Baarlamanka Maamulka Puntland (Sawirro)

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Abshir Maxamed Axmed “Abshir Bukhaari” ayaa maanta ka qeyb galay kulanka aqalka Wakiiladda Puntland.

Guddoomiyaha Aqalka Wakiiladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed “Dhoobo” oo kulanka shir Guddoomiyay islamarkaana Kulanka furay ayaa wafdigan Kulanka Aqalka ku soo dhoweeyay, waxaana uu sheegay in wada shaqeyn aad u wanaagsan ay ka dhaxeyso Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Aqalka Wakiilada Puntland muhiimna ay tahay in la sii dardar geliyo.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Maxamed Axmed “Abshir Bukhaari” ayaa sheegay in Golaha Aqalka Sare uu mar walba diyaar u yahay in Aqalka wakiiladda Puntland uu kala shaqeeyo diyaarinta shuruucda kala duwan iyo kor u qaadida Tayada Xildhibaanada iyo howlwadeenada Aqalka wakiilada Puntland si ay ugu suura gasho fulinta howlaha horyaala.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo amaanay howlaha Ay hayaan Aqalka wakiiladda Puntland ayaa ka hadlay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin Arrimaha dib u eegista dastuurka iyo doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona sanadka 2021-ka oo ah ka mid ah waxyaabaha ay Hada aadka u daneynayaan Golayaasha wakiilada ee Dowlad Goboleedyada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

Masuuliyiintan ayaa kormeeray qeybaha ay ka koobantahay xarunta Aqalka golaha wakiilada Puntland, iyagoo u kuur galay sida ay u socdaan howlaha baarlamanka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliska Booliska Somaliland oo ka hadlay sababta loo xiray fanaanad Ugbaad aragsan

Caydiid Ali

Sargaal Mareykan ah oo Al Shabaab ka difaacay Eedeyn horey loogu soo jeediyay

Cabdi Cade

Natiijada Imtixaankii Dugsiyada Sare oo la shaaciyay (Halkan ka Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---