Nabadoon ka soo horjeeday Axmed Madoobe oo Kismaayo lagu dilay

Wararka naga soo gaaraya Magaalda Kismaayo ayaa sheegaya in halkaasi caawa dabley hubeysan ay ku dhaawaceen  Suldaan Rashiid Dhure oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Jubbaland.

Nabadoonka ayaa la xaqiijiyay in weerarkaasi uu ka soo gaaray  dhaawac culus, waxaana la dhigay isbitaalka Magaalada Kismaayo.

Ciidamada amaanka Jubbaland ayaa gaaray, howlgalana ka wada xaafadda   Calanley ee Magaalada Kismaayo oo uu ka dhacay weerarka lagu dhaawacay Nabadoonka.

Suldaan Rashiid Dhure ayaa ka mid ah odayaasha dhaqanka Jubbaland ee diidanaa qorshaha Axmed Madoobe ee lagu soo xulayo Xildhibaanada cusub ee Maamulkaas oo sheegaya in nabadoon kasta uu beeshiisa ka soo xulo saddex xubnood, si midkood maamulku ugala baxo.

Wararkii ugu dambeeyey ee goor dhow naga soo gaaray magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in Suldaanka uu u geeriyooday dhaawacyadii ka soo gaaray rasaastii lagu furay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -