Ninka ugu da’da weynaa ee abid taga Xajka oo lagu soo dhoweeyey Sacuudiga (Sawirro)

Nin la sheegay inuu yahay qofka ugu da’ weyn abid ee xaj u taga magaalooyinka Barakeysan ee Sacuudiga ayaa sanadkan ka mid noqday dadka gudanaya waajibaadka Xajka oo ka mid ah shanta tiir ee Islaamka.

Ohi Aidros Samri oo ah 130 jir ka soo jeeda dalka Indonesia ayaa isaga iyo xubnaha qoyskiisa ee la socda lagu soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boqor C/casiis magaalada Jeddah, sida ay shaacisay wakaaladda Wararka ee Sacuudiga

Waxaa xaajigan soo dhoweyntiisa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Xajka Sacuudiga oo guddoonsiiyey hadiyado loogu talogalay, waxaana la sheegay inuu taariikhda ku galay qofkii ugu da’weynaa ee xajka taga inta la ogyahay.

Ninkan ayaa iskoorka qofka ugu da’da weyn ee xajka taga kala wareegaya Ibu Mariah Marghani oo ah haweeney ka soo jeeda isla dalka Indonesia taasoo sanadkii 2017 gudatay waajibaadka Xajka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -