Sargaal Mareykan ah oo Al Shabaab ka difaacay Eedeyn horey loogu soo jeediyay

Sida uu daabacay Wargeyska Daily Nation ee ka soobaxa dalka Kenya Sarkaal ka tirsan waaxda arimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in wax cadeyn ah Mareykanka uusan u heynin in dagaalyahanada Al shabaab ay u gaarsadaan Maroodiga si ay u maal geliyaan howlgalkooda.

Hadalkan ka soo baxay Mr Richard Glenn oo Mareykanka u qaabilsan waaxda duurjoogta iyo tacadiyada ka dhanka ah ee loogu geesto qaaradda Africa ayaa si cad ugu hor imaanaya  hadalkii Ms Hillary Clinton oo aheyd xoghayihii arimaha dibadda Mareykanka taa oo sheegtay in dagaalyahanada Al shabaab ay lacag ka sameeyaan faanta maroodiga.

“ ma arkin wax cadeyn ah oo sheegaya in al shabaab ay ka ganacsadaan duur joogta” sidaasi waxaa yiri Mr Glenn oo ka qeyb galayay shir Online ah, waxaana uu intaasi ku daray in hadda aysan suura gal aheyn balse Al shabaab ay  ugaarsan karaan faanta Maroodiga.

Ms Clinton ayaa 2013-kii sheegtay iyadoo ah Xoghaya arimaha dibadda Mareykanka ee  maamulkii  Obama in dagaalyahada Al shabaab ay ku maal geliyaan  howlahooda ka ganacsiga faanta maroodiga.

Urur u dhaqdhaqaaqa maroodiga oo fadhigiisu yahay Magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka waxa uu 2016-kii banaanka soo dhigay baaritaan aan caadi aheyn oo lagu ogaaday in Al shabaab ay dhoofiyaan faanta maroodiga.

Khabiiryahano  ka tirsan qaramada Midoobay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Al shabaab ay ka faa’idaan ugaarsiga maroodiga dalalka dhaca bariga Africa.

Warbixin ay horay u daabacday Qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in Al shabaab ay ka faa’idaan canshuurta ay ku rogaan dhuxusha iyo dhoofinta sokorta.

By: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)

E-mail: Abdiazizh99@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -