Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliska Booliska Somaliland oo ka hadlay sababta loo xiray fanaanad Ugbaad aragsan

Waxa caawa magaalada Hargeisa lagu xirey fanaanada Soomaaliyeed ee caanka ah Ugbaad Aragsan, iyadoo Booliska ay arrintaas war ka soo saareen.

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Fannaanada xirey iyadoo ku sugan goob ganacsi oo ay ku leedahay magaalada Hargeisa, sida ay ii xaqiijiyeen goob-joogayaal ku sugnaa goobta.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA BOOLISKA

Ciidanka Booliska JSL ayaa  gacanta kusoo dhigay Eedaysan Ugbaad Maxamuud Cabdi , taasi oo dhawaanahan baraha bulshada ku faafinaasay dhaqamo xunxun kuwaasi  oo kasoo horjeeda Diinteenna suubban iyo dhaqankeenna  wanaagsan.

Ciidamada Boolisku iyagoo gudanaayo waajibaadka ka saaran ilaalinta Diinta , dhaqanka iyo bad-qabka bulshada ayay eedaysanta gacanta kusoo dhigeen , waxaanay wadaan baadhid-dheeraada marka ay dhamaatana waxa degdeg loo horgayn doonaa sharciga.

Related posts

Maxkamad ku taalla Turkiga oo xukuntay wiilka Madaxweyne Xassan Shiikh

Caydiid Ali

Labo Askari oo goordhaw lagu dilay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Qoor Qoor oo kulan arrimo muhiim ah looga hadlay la qaatay Golihiisa Wasiiradda (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---