Toogasho iyo kala carar ka dhacay Magaalo kutaala Mareykanka (Daawo Sawirada)

Nin hubeesan ayaa toogasho ka geestay goob ay ka socotay munaasabad cuntooyinka lagu soo bandhigayay oo kutaala magaalada Gilroy ee gobolka California ee dalka Mareykanka.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in toogashada ku dhinteen afar qof halka ay ku dhaawacmeen 15-qof, dadka dhaawacyada qaba qaarkood ayaa la sheegay in ay ku jiraan xaalad halis ah.

Goob ay ka socotay munaasabada lagu soo bandhigayay cuntooyinka ayaa mar qura nin hubeesan rasaas xoogan kusoo furay , waxaana halkaasi ka dhacay kala  cararay iyo qeylo kasoo yeereysa dadkii goobtaasi ku sugnaa.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa si kulul u cambaareeyay toogashadan ka dhacday Mareykanka, waxa uuna shacabka dalkiisa ugu baaqay in ay isdajiyaan.

Dalka Mareykanka ayaa waxaa ka dhaca toogashooyinka ay geestaan dadka hubeesan, dilalkaasi ayaana waxaa inta badan fuliya kooxo cunsuriyiin ah, islaamiyiin iyo sidoo kale kooxo careesan oo dhibaatooyin lasoo darsaan.

- Advertisement -