Al Shabaab oo shaacisay tirada Odayaasha iyo Ergada amarkooda qaatay

Bayaan Al Shabaab  dhawaan soo saareen ayaa lagu amray Odayaasha dhaqanka iyo Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka in ay iska soo xaadiriyaan deegaanada ay maamulaan si looga cafiyo dambiga la sheegay in ay galeen.

Al Shabaab ayaana mudo 45-cisho ah u qabatay in ay cafis ku dalbadaan Odayaasha Xildhibaanada soo xulay iyo ergada dooratay, waxa ayna Al Shabaab ku hanjabeen in talaabo ka qaadayaan cidii amarkooda ka dhaga adeegaa.

Qaar kamid ah Odayaashii iyo ergadii soo dooratay Xildhibaanada ayaa durba bilaabay in ay tagaan deeganaada Al Shabaab ka taliyaan si ay uga faa’iideestaan cafiska kooxdaasi u fidisay.

Sargaal katirsan Al Shabaab ayaa sheegay in Odayaal iyo Ergo wax kasoo doortay Xildhibaanada golaha shacabka ay kusoo qul qulayaan deegaanada ay Al Shabaab ka joogaan qaar kamid ah gobolada dalka.

Waxa uuna sheegay Sargaalkan in hada cafiska ka faa’iidesteen 159-ruux oo isugu jiray Odayaal iyo Ergo, waxa uuna xusay in dadkan ay ahaayeen kuwii Xilhibaanada ku doortay Maamulada Jubbaland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Maamulka Puntland ayeysan jirin wali dad katirsan Odayaashii iyo ergadii Xildibaanada soo doortay oo u tagay Al Shabaab si loo cafiyo, hasa ahaatee maamulada kale dadkii wax ku doortay qaarkood ayaa durba Al Shabaab u tagay .

Al Shabaab ayaa horey dil ugu xukuntay dadkii ka qeyb galay doorashooyinka Xildhibaanada gaar ahaan odayaashii soo xulay iyo Ergadii dooratay, waxaana Al Shabaab dileen qaar badan oo kamid ahaa odayaashii iyo ergadii Xildhibaanada soo doortay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -