Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Xassan Shiikh oo dalab culus hor dhigay odayaasha dhaqanka K/Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxmauud oo kulammo wadatashi ah kula qaatay magaalada Baydhaba odayaasha dhaqanka Koonfur-galbeed ayaa ka dalbaday in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo xaqiijinta Koonfur-galbeed heshiis ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in odayaasha dhaqanku ay asaas u yihiin arrimaha dib u heshiisiinta, kaalin muhiim ahna ay ka soo qaateen samatabixinta dalka, balse haatan looga fadhiyo dhameystirka dadaallaadaas iyo sidii ay u horseedi lahaayeen horumarka iyo wax wada qabsiga.

Dhankooda, odayaasha dhaqanka uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa la wadaagay talooyinkooda ku saabsan hannaanka dib u heshiisiinta, dagaalka ka dhanka Khawaarijta Alshabaab, xasilinta iyo horumarinta deegaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalinkii lixaad ku sugan magaalada Baydhaba ayaa wada dadaallo iyo wadatashiyo ku saabsan dardargelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta oo saldhig u ah qorshaha socdaalkiisa Baydhabo.

Kulanka waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ku-simaha Raisul Wasaaraha oo kormeer kedis ah ku tegay qaar ka mid ah Xarumaha dowlada (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Muuse Biixi oo bilado gudoonsiiyey saraakiil ciidan oo Itoobiya lagu soo tababaray

Caydiid Ali

Masar oo fursaddii ugu Dambeesay siisay Itoobiya iyo dagaal laga cabsi qabo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---