Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo Kumaandoos ah oo tababar loogu soo xiray dalka Turkiga (Daawo Sawirada)

Ciidamo katirsan kumaandooska Soomaaliya oo mudo sanado ah tababar ku qaadanayay dalka Turkiga ayaa loo soo xiray tababar, waxaana ciidankan la filayaa in dhawaan dalka lagu soo celiyo.

Ciidamadan Kumaandooska ee tababarka loo soo gabagabeeyay ayaa waxay tiradooda gaareysa 330 Askar, waxa ayna ciidankan noqonayaa qeybtii labaad oo tababar kumaandoos ah loogu soo xiro Turkiga.

Munaasabada xiritaanka tababarka ayaa ciidamada Kumaandooska Soomaaliya waxa ay kusoo bandhigeen dhoolo tus cajiib ah oo raali galinayay masuuliyiintii iyo dadkii kale ee ku sugnaa munaasabada.

Dowlada Turkiga ayaa Soomaaliya ka caawisa tababarada ciidamada kala duwan, waxaana Turkiga gudaha Soomaaliya ka furtay xiro weyn oo lagu tababaro ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya .

Related posts

Guri uu leeyahay Cusaama Bin Ladin Walaalkiis oo la waayay cid iibsata !(Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo basas lacag la’aan u diyaarisay dadka ay saameysay xirnaanshaha jidadka

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Khasaaraha duqeymihii u dambeeyey ee ka dhacay Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---