Guddi labaad oo qaban qaabiya Doorashada Jubbaland oo la sameenayo

Qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa kasoo horjeestay sida ay wax u wadaan Guddiga doorashada Jubbaland uu magacaabay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Axmed Madoobe.

Musharaxiinta kasoo horjeeda Axmed Madoobe ayaa doonaya in ay sameestaan guddi doorasho kale , waxa ayna xuseen musharaxiintan in aan lagu kalsoonaan karin guddiga hada shaqeenaya.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in guddiga hada jira ay sameeyeen eex iyo cadaalad daro, waxa uuna tilmaamay in guddigan u jan jeeraan Musharax Axmed Madoobe.

Waxa uu sheegay Musharax Xidig in dhankooda sameenayaan guddi doorasho oo lagu kalsoonaan karo, waxa uuna cadeeyay in guddiga Axmed Madoobe magacaabay ay xareeyeen odayaal aan aheyn kuwii saxda ahaa.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa kasoo horjeeda sida ay u socdaan qaban qaabada doorashada Jubbaland, waxa ayna dowlada horey u cadeesay in Odayaasha liiskooda la shaaciyay aysan aheyn kuwii saxda ahaa ee la aqoonsanaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -