Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dal Afrikan ah oo Sanadkan Xajka laga mamnuucay in dadkiisa yimaadaan

Dowlada Sacuudi Carabiya ayaa sanadkan fiisaha dal ku galka ka joojisay Muslimiinta kunool Dalka Koongada Dimuquraadiga , kadib markii dalkaasi qeybo kamid ah lagu arkay xanuunka halista badan ee Ebola.

War ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu cadeeyay in sanadkan fiisaha laga joojiyay dadka doonayay in ay soo xajiyaan ee u dhashay dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga Kongo.

” Si loo ilaaliyo bad qabka iyo wanaagga dadka xajinaya, waxaa sanadkan la joojiyay in fiisaha ama dal ku galka Sacuudiga la siiyo dadka u dhashay dalka Koongo” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibada Sacuudiga.

Hay’ada Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in dalka Congo  uu ka jiro cudurka halista ee Ebola, waxa ayna Hay’adu sheegtay in cudurkan dhibaato ku hayo qeybo kamid ah dalkaasi iyadoona ku baaqday in laga hortago in cudurkaasi sii faafo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo booqday goobaha ay ka socdaan Bilic soo celinta Muqdisho (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degmada Maxaas kana bilaabaya abaabul Dagaal

Cabdi Cade

Dalxiisayaal u dhashay Israa’iil oo lagu toogtay magaalada Dalxiiska ee Alexandria

Cabdi Cade
Taboola Ads ---