Dowlada Somalia oo basas lacag la’aan u diyaarisay dadka ay saameysay xirnaanshaha jidadka

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Mudane Daahir  Maxamuud Geele ayaa sheegay in dowladu diyaarisay Basas waaweyn oo loogu tala galay in lagu qaado Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho inta ay xiran yihiin Wadooyinka.

Daahir  Max’uud Geelle ayaa waxaa uu sheegay in la xiri doono Wadooyinka Muqdisho 1-da Luulyo sidaasi darteed si aan loo dhibaateyn Shacabka in la diyaariyay Basas waaweyn oo lacag la’aan ah.

Wasiirka ayaa sheegay in qorshahaan loogu tala galay in Shacabka loogu daneeyo si loo yareeyo saameynta ka dhalatay xirnaanshaha jidadka.

Wasiirka Warfaafinta sidoo kalena ah Gudoomiyaha Guddiga qabanqaabadda maalmaha xoriyadda, waxaa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka doonayaan in ay dulqaataan in ay xiran yihiin Wadooyinka.

Talaabadan ayaa noqoneysa tii ugu ugu horreysay oo dowladda Soomaaliya u qaado sidii loo qafiifin lahaa saameynta adag ee shacabka magaalada ay ku yeelato xirnaanshaha jidadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -