K/Woqooyi oo gantaal culus tijaabisay & Kim John Un oo digniin soo saaray

Kuuriyada Waqooyi ayaa gantaalo tijaabisay Shalay, iyadoo sheegtay in talaabadaas digniin dhab loogu dirayay waxay ku tilmaameen qabqablayaasha dagaal ee K/Koonfureed.

Gantaallada waxay ku tijaabisay badda Japan gaar ahaan degaan dhaca Koonfurta badda.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay in dalkiisa lagu khasbay inuu sameysto hub xooggan si uu uga hortaggo halis kasta oo soo food saarta amnigiisa.

Waxaa uu sheegay in tijaabaadu aheyd mid lagu soo bandhigayay hub casri ah oo dalkiisu sameystay si cadowga loogu digo.

Kuuriyada Waqooyi ayaa horey u dhaleeceysay dhoolastuskii militari ee bishii lasoo dhaafay ay si wadajir ah gobolka uga sameeyeen Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -