Baaderi lacag ku cunay balan-qaad yaab leh oo lagu dhegan yahay (Sawirro)

Baaderi kirishtaan ah ayaa dhibaato wayn soo wajahday kadib markii uu lacag ka cunay dad uu u balan qaaday inuu yaqaano albaab janada geynaya oo ku yaala koonfur-galbeed Nigeria.

Baadari Ade Abraham ayaa waxaa laga dacweeyay saldhiga booliska, mid kamid ah dadka taabacsan ayaa sheegay in baadarigu uu ka qaatay lacag dhan $750 si uu u tuso goobta uu balan qaaday oo ku taalla magaalada Araromi-Ugbeshi ee gobolka Ekiti.

Baadarigu ayaa sheegay inuu sameeyay balanqaadka ah albaabka janada isagoo sheegay in ilaaha uu caabudo uu daaha uga qaaday albaabkaas si uu u fiiriyo iimaanka dadka yimaada kaniisadiisa, laakiin wuxuu sheegay in uusan cidna lacag ka qaadin.

Ninkii dacweeyay baadariga ayaa dib ugu laabtay gurigiisa oo ku yaala gobolka Kaduna balse xaaskiisa ayaa ka dheeraatay iyadoo sheegtay inay ciqaab ku soo dagi doonto ninkeeda.

 

- Advertisement -