Puntland oo xoojisay amniga Magaalada Garoowe & sababta ka dambeysa

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowlad goboleedka Puntland ayaa la soo dhoobay wadooyinka Magaalada Garoowe, kuwaasoo ku hubeysan gaadiid dagaal sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Goob joogayal ku sugan Magaalada Garoowe ayaa sheegay in ciidamada ay yihiin kuwo heegan oo mararka qaar baaritaan ku sameynaya gaadiidka dadweynaha iyo cid kasta oo ay ka shakiyaan.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamadan loogu talo galay inay sugaan amniga magaalada Garoowe inta ka horeysa 4-ta bisha fooda nagu soo heysa ee Agoosto oo lagu qabanayo munaasabado loogu dabaaldegayo sanadguurada aasaaska Puntland.

Waxaa munaasabada ka qeyb geli doona madax kala duwan oo ka kala socda dowlada federaalka Somalia, beesha caalamka iyo maamulada kale ee dalka ka jira, waxaana munaasabadii tan ka horeysay ee la qabtay sanadkii 2018 xiligan oo kale ka qeyb galay Ra’iusl Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Magaalada Garoowe ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu amniga wanaagsan degaanada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana aad ugu yar dilalka iyo fal dambiyeedyada kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -