Madaxweyne Deni oo u Mahad celiyay maamulka Gobolka Banaadir (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed “Cumar Filish”.
 
Guddoomiye Cumar Finish ayaa Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ku bogaadiyey doorkii muhimka ahaa ee uu ka qaatay in la go’aamiyo doorashada dalka.
 
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay maamulka Gobolka Banaadir iyo Dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.
Saciid Deni oo magaalada Muqdisho ku sugan maalmo badan ayaa loo sameeyay xaflado kala duwan iyo munaasabado kale oo lagu soo dhaweenayay , waxa uu sidoo kale caasimada kula kulmay Madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -