Kuleylkii ugu sareeyey abid oo laga dareemay qeybo ka mid ah Qaarada Yurub

Heerkulka Cimilada ee qaarada Yurub ayaa taariikh cusub sameynaya iyadoo mowjado kuleyl ah ay ku dhufteen qaaradda kaasoo saameyn adag ku yeeshay malaayiin qof.

Hawada kulul ee ka baxeysa saxaraha Afrika ayaa la rumeysan yahay inay sabab u tahay in heerka kuleylka uu sare u kaco.

Magaalada Paris ayaa khamiistii heerkulku gaaray 42.7 Celsius, taasoo jebisay diiwaanka kululeylka ugu badnaa ee magaalada oo ah 40.4, kaasoo dhacay 1947-kii.

Bishii June, France ayaa diiwaan gelisay maalinkii ugu kululaa taariikda dalkaas, ayada oo heerkulku gaaray 47 Celsius, taasoo horseeday in digniinta kuleyl la gaarsiiyo heerka ugu sarreeya ee casaanka.

Netherlands ayaa sidoo kale khamiistii diiwaan gelisay maalinkii ugu kululaa taariikhda dalkaas, ayada oo kuleylku gaaray 41.7 Celsius.

Dalka Jarmalka, ayaa sidoo kale laga diiwaan geliay maalin cusub oo ah kii ugu kululaa taariikda dalkaas, halkaasoo heerkulku gaaray 42.6 Celsius.

In badan oo ka mid ah dhismooyinka dadweynaha ee Yurub ayaan lahayn qaboojiye. Warbixino ayaa sheegaya in kaliya 5% guryaha ay leeyihiin qaboojiye.

Kuleyl noocan ayaa sidoo kale laga dareemayaa gobolada woqooyiga Maraykanka iyo koonfurta dalka Canada kaasoo dilay ugu yaraan 9 ruux sida ay sheegayaan wararka ay qorayaan wakalada Wararka caalamka.

HOOS KA DAAWO XAALADA KULEYLKA MAGAALADA PARIS

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -