Allbanaadir.com
NEWS

Cali Gacal oon la dhacsaneyn Qorshaha Xukuumada ee ku aadan Galmudug kuna sii jeeda magaalada …

Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo  xildhibaano maamulka Galmudug ah oo maalmahaan shirar hoose uga socdeen magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in ay dhawaan gaaraan magaalada Cadaado.

Gudoomiyaha iyo xildhibaanada ayaa la sheegayaa in aysan la dhacsaneyn qaabka ay Xukuumada Soomaaliya u wajahday dibu heshiisiinta Galmudug iyo in aan la xallin cabashada deeganada qaar.

Masuuliyiin kasoo jeeda deegaanka Cadaado oo aan la xiriirnay ayaa noo xaqiijiyey in ku jiraan diyaar garowga soo dhaweynta gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug iyo wafdigiisa.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa ku jira masuuliyiinta ay laxawga badani kaga jiro midnimo iyo dibu heshiin waarta oo ka hana qaada Galmudug, waxa uuna Gudoomiyaha ku qanacsaneyn sida ay hada wax u socdaan.

Waxaa sidoo kale wararku sheegayaan inuu wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug marka ay gaaraan usii gudbi doono illaa magaalada Gaalkacyo si ay uga shaqeeyaan xalinta cabashada loona helo dib u heshiisiin sax ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shaqadii Shirkadaha dayuradaha ee Garoonka Aadan Cabdulle oo saaka xaniban

Caydiid Ali

Xoghayaha Guud ee QM oo si kulul u cambaareeyey talaabo uu qaaday Ruushka

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo gurigiisa ku wareejiyay Muwaadin 30-sano xoog looga heestay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---