Allbanaadir.com
NEWS

Shaqadii Shirkadaha dayuradaha ee Garoonka Aadan Cabdulle oo saaka xaniban

Xiisad ayaa ka taagan garoonka diyaaradaha Aadan Abdulle International Airport ee Magaalada Muqdisho taasoo u dhexeysa Shirkadaha diyaaradaha Soomaalida iyo Wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumada Somalia.

Waxaa gabi ahaan saaka shaqadii joojiyey shirkadaha diyaaradaha ee Gobolada u kala gooshi jirey ka dib markii la isku mari waayey dhaqan galka amar ka soo baxay Wasaarada

Sida ay noo xaqiiiiyeen shaqaalaha shirkadaha waxaa la isku haystaa lacag dheeraad ah Wasaarada gaadiidku dul dhigtay shirkadaha iyo dadka ka dhoofaya garoonka.

Lacagtan ayaa la sheegay iney qaadeyso shirkad gaar loo leeyahay oo la sheegay iney keydineyso xogta rakaabka dayuuradaha raacaya waxaana lagu sheegay lacagtaas qofkiiba 9 dollar.

Dhamaan waxaa garoonka saaka ku xaniban boqolaal qof oo dadkii safri lahaa Gobolada dalka kadib markii loo sheegay dadka safarka ah in laga rabo lacago aysan ku talo galin

 

Related posts

FBI oo baaritaan xasaasi ah ka bilowday hoyga Madaxweyne Biden (Sawirro)

Caydiid Ali

Mashaariic kala duwan oo laga hirgalinayo magaalada Baraawe oo la dhagax dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlad ka tirsan Yurub oo aqbashay in dalkeeda lagu galo baasaboorka Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---