Duqa Muqdisho oo gurigiisa ku wareejiyay Muwaadin 30-sano xoog looga heestay (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta muwaadin Soomaaliyeed ku wareejiyay gurigiisa oo muda 30-sano si sharcidara ah looga Heestay

Gurigan oo kuyaala degmada Kaaraan ayaa muwaadinkii lahaa oo kasoo jeeda beelaha aan hubeesneen waxaa mudo 30-sano ah xoog uga heestay dad is bidayay awood, hasa ahaatee dacwad maxkamadeed kadib ayaa loo xukumay muwaadinkii lahaa gurigaasi.

Cumar Finish oo furaha gurigiisa ku wareejiyay muwaadinkii 30-ka sano xooga looga heestay ayaa  sheegay in Maamulka gobolka Banaadir uusan aqbali doonin in magaalada Muqdisho gudaheeda la isku baado guryana lagu kala heesto.

”Waxaan halkan u imid in aan maanta gurigiisa ku wareejiyo 30-sano kadib muwaadinkii lahaa oo xoog looga heestay ,ma dhici doonto in Guri ku yaala Magaalada Muqdisho xoog lagu heysto inta aan xilka hayo” ayuu yiri Cumar Finish.

Guryo badan oo xoog looga heestay dadkii lahaa ayaa sanadihii lasoo dhgaafay mar kale dib u hantiyay guryahooda kadib markii dacwad ku fureen dadkii gurayhaaasi xooga uga heestay, waxaana hada sii yaraanaya dadka xooga ku heesta guryo aysan laheyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -