Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo maalmo u qabatay Odayaashii iyo Ergadii soo doortay Baarlamaanka Somalia

Bayaan kasoo baxay Al Shabaab ayaa loogu baaqay Odayaashii iyo Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya in ay yimaadaan iskana diiwaan galiyaan goobaha ay Al Shabaab ka taliyaan.

Al Shabaab bayaanka ay soo saartay ayaa lagu sheegay in Odayaashii iyo Ergadii soo doortay Xildhibaanada in ay ku dhaceen dabmi weyn , waxa ayna Al Shabaab ugu baaqeen in ay ka beri noqdaan ficilkii iyo dambigii ay ku dhaceen.

Odayaasha iyo Ergada soo doortay Xildhibaanada ayaa Al Shabaab u qabteen in ay isku soo diiwaan galiyaan mudo 45 maalmood gudahood oo ka bilaabaneysa  15-07-2019 kuna eg 01-09-2019-ka .

Al Shabaab ayaa ugu hanjabtay cidii amarkooda ka dhago adeegto kana faa’iideesan weysa baaqa ay soo saareen in ay ka qaadi doonaan talaabo waafaqsan shareecada islaamka sida lagu sheegay bayaanka Al Shabaab soo saareen.

Bayaankan kasoo baxay Al Shabaab ee Odayaasha iyo Ergada loogu yeeray ayaa kusoo aadaya xili Al Shabaab horey u dileen qaar badan oo kamid ahaa Odaaashii iyo Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo war kasoo duqeyn Mareykanka ka fuliyay Shabeelaha Dhaxe

Cabdi Cade

Saameyn intee le’eg ayaa ka dhalan karta haddii DF bandow ku soo rogto Muqdisho?

Caydiid Ali

Wasiir Biixi oo shaaciyey arrin DF ku guuleysatay ka dib deyn cafintii

Caydiid Ali
Taboola Ads ---