Faahfaahin: Wiilal dhalinyaro ah oo lagu dilay xaafad ka tirsan Muqdisho

Xaafada Suuqa Xoolaha oo ka tirsan degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu dilay saacadihii ugu dambeeyey labo wiil oo ka mid ahaa dhalinyarada degaanka.

Dabley ku hubeysan bastoolado ayaa la sheegay iney ka dambeeyeen dilalkaas kuwaasoo ka baxsaday goobta weerarku ka dhacay sida ay xaqiijiyeen goob joogayaal ku sugan degaanka.

Wiilashan la dilay oo lagu kala magacaabi jiray Ismaaciil iyo Maxamed ayaa waxay halkaasi ku lahaayeen Studio laga duubto filimada hindiga iyo heesaha iyo weliba Foto Sawirada lagu galo.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowlada oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa halkaasi gaaray, iyagoo qaaday meydadka labada ruux, sidoo kalena goobaha ku dhow halka dilalkan ka dhaceen ka sameeyey howlgalo inkastoo aan la sheegin dad dilalkan loo soo xiray.

Dadka ku nool xaafada Suuqa xoolaha ayaa si weyn u hadal haya dilalka loo geystay dhalinyaradan oo aad looga yaqaanay degaanka, iyadoo aysan jirin illaa hadda cid sheegatay masuuliyadooda inkastoo xubno ka tirsan maamulka degmada Heliwaa ay ku eedeeyeen Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -