Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Eng. Yariisow oo Qaswadeyaal ku sifeeyey Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa ‘Qaswadayaal” ku tilmaamay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta ka hadlay maqaamka caasimadda Muqdisho.

Yariisow ayaa ku eedeeyay xildhibaano uu ka mid yahay C/qaadir Cosoble Cali inay magac qabiil ku hadlayaan, kana soo horjeedaan horumarka uu sheegay inuu ka jiro caasimada, wuxuuna si gaara weerar ugu qaaday xildhibaanka.

“Caasimada anigaa guddoomiye ka ah, duq magaalana ka ah. Arrimaha caasimadda iyo maqaamkeedana shacabka Soomaaliyeed oo aan wakiil ka ahay ayaan ka wadatashanay” ayuu yiri Guddoomiye Yariisow oo u warramay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho.

Yariisow oo marar badan weerarro afka ah ku qaaday xildhibaanno iyo siyaasiyiin ayaa ka carooday khudbada uu maanta jeediyay Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo ka qeyb galay shir ka dhacay magaalada Muqdisho isagoo sheegay in Dadka Caasimada aysan u baahneyn guddoomiye la soo magacaabo, balse ay muhiim ay tahay inay soo doortaan ciddii ay rabaan, taasoo ka careysiisay Yariisow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dowlad si farsameesan u xaday Lacag aad u badan iyo Baaritaano socda

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo ka qeyb galay shir ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay (Sawirro)

Cabdi Cade

Hoggaamiyihii xukuumadda gooni u goosadka ah ee Nagorno-Karabakh oo la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---