Maxay tahay fadeexada sababtay in shatiga lagala laabto qareenkii Madaxweyne Trump?

Maamulka Gobolka New York ee dalka Mareykanka ayaa xannibay ruqsaddii shardi ee uu ku shaqeysan jiray Rudy Giuliani oo ah qareenka madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, kaddib markii Maxkamadda racfaanka ee gobolkaas ay ogaatay inuu been ka sheegay doorashadii Mareykanka ee 2020.

Maxkamada racfaanka ayaa sheegtay in hakinta kumeelgaarka ah ee Giuliani ay isku bedeli karto in si buuxda shatigiisa sharciga looga xayuubiyo.

Giuliani oo 77 jir ah ayaa sheegay in doorashadan laga xaday Donald Trump, haye yeeshee maxkamadda racfaanka ayaa sheegtay in been abuur cad iyo marin habaabin’ uu ka sheegay doorashadii uu ku guuleystay madaxweynaha xisbiga Dimoqraadiga ee Joe Biden.

Gareenka Trump, Giuliani ayaa hore u soo nooday Garyaqaankii degmada Manhattan iyo duqa magaalada New York, waxaa lagu ciqaabay hadallada uu ka sheegay doorashadan.

Iyadoo tixraaceysa qalalaasihii lixdii Janaayo ee ka dhacay Xarunta Congress-ka Mareykanka ayaa Maxkamadda Racfaanku waxay sheegtay in been-abuurka Giuliani ay khatar galin karto kalsoonida shacabka ee hannaanka doorashada, taasoo astaan u ah dimoqraadiyada Mareykanka iyo sidoo kale xirfadda sharciga.

Mar uu wariyeyaasha kula hadlayay bannaanka gurigiisa ku yaal bariga Mamhattan ayuu Giuliani ugu yeeray ganaaxa la saaray mid hal dhinaca ah oo aan ku saleysneyn caddeyn”.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa qortay in Trump uu si isdaba joog ah u sameeyay sheegashada beenta ah ee ah inuu ka adkaaday Biden.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -